Beri waxa jiray nin la odhan jiray Ma-Tabcade. Inuu hawl ku dhidido ama uu far dhaqaajiyo ninkaasi muu oggolaan jirin. Carruurta uu dhalay weligood cunto ay ka dhergaan may helin, haweentiisuna abidkeed arrad kamay bixin. Cariish dogosh ah oo aan roob iyo dhaxan midna ka celin jirin ayuu ku jiray. Hase yeeshee, dayacdarrada uu xaaskiisu ku sugnaa Ma-tabcade wuu ka indho saabnaa.
Kolka ay haweentiisu runta u sheegto ee ay ku tiraahdo: “Waar sidan inoo dhaan; carruurtaadu baahi bay la bakhtiyayaan, boggii iyo beerkii baa isku dhegay, oo arrad bay la qaawan yihiin. Waar meesha ka kac, waar bi’i waaye inoo shaqee”. Waxay jawaabtiisu ahayd, «Ha degdegin, imminka faqiir faro madhan baan ahay, marka aan taajir noqon lahaa way ii dhimman tahay».
«Taajirnimadu miyey iska imaanaysaa oo xooluhu ma cirkay inooga soo daadanayaan. Saw adigan fadhiya ee far dhaqaajinayn maaha». Kolkay haweentiisu ugu war celiso, Ma-tabcade, wuxuu hadal ka yaqaannay: «Anigaa wax inoo og. Ayaanteennii weli may iman. Samir yeelo».
Waxay habeenka iyo maalintu xidhiidhsanaadaan, oo xaaskii xaalkiisu sii xumaadaba, ayaantii dambe ayuu Ma-tabcade ka war helay in uu oday boqol iyo toban jir ah oo qofkii talo habboon u baahani uu u tago. Wuu fakaray Ma-tabcade, “maad u tagtid oo sidii aad hawl yaraan xoolo ugu heli lahayd kala soo tashatid”, ayuu is-yidhi.
Buraashaddiisii buu soo biyeystay. Wuu soo bixitimay. Odaygu meeshuu degganaa ayuu soo aaday. Saddex habeen iyo saddex maalmood hadduu soo socday ayuu Waraabe weyd ah oo geed hoos fadhiya ku soo baxay. Waraabihii baa la hadlay, wuxuu yidhi, «Ninkow xaggeed ku socotaa».
Wuxuu ugu jawaabay, «Waayeel sama-sheeg ah oo meel xeebta ah deggan ayaan ku socdaa. Sidaan hawl yari taajir ugu noqon lahaa ayaan kala soo tashanayaa».
Waraabihii baa ku baryey:
“Anna waan jirranahoo
Calooshaa wax jaaniyo
Jinni ii fadhiistee
Daawadayda soo jiri
Janna galaha weydii”.
“Ha la yeelo” ayuu ugu celiyey Ma-Tabcade. Horay ayuu socodkii ka sii watay. Saddex habeen iyo saddex maalmood oo kale hadduu socday ayuu arkay geed gob ah oo keligii meel ka baxay. Goor uu dhinac marayo ayuu geedkii la hadlay, wuxuu yidhi, «Ninkow xaggeed u xusul duuban tahay?».
Ma-tabcade, meeshuu ku socday oo muraadkiisu ahaa buu u sheegay.
Geedkii baa ku baroortay:
“Anigana mushkilad baa
Macaanow i haysoo
Ma dhalo gugiiyoo
Oo midho ma bixiyee
Maandhaw daawadayda
Mudanaha bal weydii.”
Ma-tabcade ku ye: “Hawraarsan”.
Dhabbihii ayuu horay u sii qaaday. Saddex habeen iyo saddex maalmood haddduu soconayey ayuu ku soo baxay bad deggan oo aan mawjad weyn lahayn. Goortuu xeebtii lugaynayo ayaa mar qudha baddii kalluun madaxa kala soo baxay. Wuxuu yidhi, «Ninkow xaggee baad u tafo xaydan tahay?».
"Waayeel taladiisu waxtar tahay ayaan ku socdaa, aniga oo aan hawshoon sidii aan hanti badan ku heli lahaa ayaan kala soo tashanayaa,” ayuu Ma-tabcade ugu jawaabay. Kolkaasaa kalluunkii baryey wuxuu yidhi:
“Anna daanka bidixiyo
Cunahaa docdiisiyo
Dalqadaa i barartee
Danta aad u leediyo
Muraadkaaga dabadii
Waxay daawaday tahay
Duga ii su’aaloo
Duca qabaha weydii”.
«Waa hagaag» ayuu Ma-tabcade yidhi.
Horay ayuu u sii socday. Wuxuu soo habeen dhaxaba, odaygii ayuu u yimid. Muraadkiisii ayuu u sheegtay. Kolkuu ka war qaatay, ayuu waayeelkii madaxa lulay. Wuxuu yidhi, “ku gartay adiga ee cid kale wax ma ii kaa soo fartay?” «Haa,» ayuu Ma-tabcade markiiba la soo booday. Wuxuu uga warramay saddexdii uu la kulmay iyo waxay odayga kasoo codsanayeen. Kalkaasuu waayeelkii garkiisii cirrada lahaa salaaxay. Wuxuu yidhi, “kuus dheeman ah ayaa kalluunka cunaha u taagan. Marka laga soo saaro ayuu bogsanayaa. Geedka gobka ah hoostiisa khasnad dahab ah ayaa ku jirta, kolka laga soo bixiyo wuu dhalayaa, miro macaan baa ka baxaya. Waraabaha dawadiisu waxay tahay in uu cuno Ma-tabcadaha ugu horreeya ee uu helo”.
«Anna goorma ayaan helayaa hanti badan», ayuu la soo booday Ma-tabcade.
«Waad heleysaa wixii aad codsatay ee soco», ayuu ugu jawaabay odaygiina». Ma-tabcade farxaddii iyo raynrayntii ayaa ka badatay dib ayuu u soo laabtay jidkii intuu ku soo jiray wuxuu ku soo heesayey:
Hiddi haddi hiddi
Anigoon u hawshoon
Hiddi hiddi hiddi
Hanti badan in aan heli
Hiddi hiddi hiddi.
Haweentiyo carruurtii
Haddi hiddi hiddi
Kuwii joogay haradii
Haddi hiddi hiddi
Haadday u sii sheeg
Haddi hiddi hiddi.
Ma-tabcade, wuxuu soo socdaba baddii ayuu soo gaadhay, kalluunkii oo sugayey ayaa madaxii kor ula soo booday. Wuxuu yidhi, «Saaxiib warka i sii, dawadeydu waa maxay?».
“Kuus dheeman ah ayaa cunaha ku taagan, ilaa lagaa soo saaro ladnaan maysid,” ayuu ugu jawaabay Ma-tabcade. Kolkaasuu iska soo dhaqaaqay.
«Walaalow waa ku sidee, iga soo saar adna dheemanta qaado,” ayuu ku qayliyey. “Maxaan isu dhibayaa, far anigoon dhaqaajin ayaan taajir noqonaaye,” intuu yidhi Ma-tabcade ayuu horay u soo socday. Wuxuu soo tallaabsadaba geedkii gobka ahaa ayuu u yimid. Farxad geedkii oo laamaha isla dhacaya ayaa yidhi, “Haye, walaal waayeelkii ma gartay daawadaydii.”
Ma-tabcade ku ye: “Hoostaada khasnad dahab ah ayaa ku jirta ee ha lagaa saaro.” Wuu iska dhaqaaqay dabadeed.
“Walaalow ha iga tegin la soo bax oo adigu qaado khasnadda,” ayuu ku ooyey geedkii.
Maya, maya, maxaan ku falayaa, waayeelkii wuxuu yidhi, waxaad doonto waad heli. “Nabadgelyo,” intuu yidhi Ma-tabcade ayuu dariiqii cagta saaray.
“Haye, muxuu igula taliyey odaygii,” ayuu markiiba waraabihii yidhi. “In aad cunto Ma-tabcadaha ugu horreeya ee aad hesho.” Waraabihii oo yaabban ayaa yidhi, “bal hadda iiga warran jidka waxaad kula soo kulantay?” Kalluun cunaha dheeman joogsaday iyo geed gob ah oo hoostiisa khasnadi ku jirto ayaan soo arkay.” Laba-daba nagala soo bax oo qaado ayey yidhaahdeen; hase yeeshee, kamaan yeelin. Waayo, anigoo faqiir ah ayaanan far dhaqaajin karin, saa waaba haddeer oo aan taajir noqon doono,” ayuu yiri Ma-tabcade, isaga oo qoslaya. Kolkaasuu waraabihiina fakaray, wuxuu niyadda iska yiri, “Ma-tabcadayaasha kii ugu weynaa waa kan. Waa kii aan ku dawoobi lahaa.” Markaasuu ku soo booday Ma-tabcade oo laba u kala gooyey, halkiina ku cunay.